Skip to content

Warar Sheegaya in R/Wasaaraha Soomaaliya uu Magaalada Kismaayo kasoo kaxeen Doono Col. Barre Hiiraale

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi ay kasocdaan dadaalo lagu doonayo in Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaad daacad u ahaa Col.Barre Hiiraale lasoo galiyo Magaalada Kismaayo kuna biiraan Ciidanka Maamulka Jubba.

Sida Wararka aan ku heleyno Maamulka Jubba ayaa ogolaaday in Magaalada Kismaayo uu ka duulo Col.Barre Aadan Shirre Hiiraale oo mudo badan kusugnaa duleedka Magaaladaasi isaga iyo ciidamo daacad u ah kadib markii Dagaal looga saaray Kismaayo.

Urur Goboleedka IGAD ayaa u kala dabqaadaya Maamulka Jubba iyo Col.Barre Hiiraale , waxaana Warar hor dhac ah aan heleyno sheegayaan in la isku afgartay in Ciidamada Daacada u ah Barre Hiiraale iyo kuwa Dowlada ee kusugan Duleedka Kismaayo lagu soo xareeyo Kismaayo .

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada kusugan Duleedka Magaalada Kismaayo ay u kala qeybsameen in ay isku dhiibaan Maamulka Jubba, waxaana wali socda waan waan lagu dhameenyo arintasi, Barre Hiiraalaa lagu qancinayo in Muqdisho la keeno.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo wali kusugan Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale gacan ka geesanaya isku soo dhaweynta Maamulka Jubba iyo Ciidamada Duleedka Magaaladaasi ku sugan , waxaana la filayaa in R/Wasaaraha uu Kismaayo kasoo kaxeeyo Col.Barre Hiiraale oo go’doon ku ah Duleedka Magaalada Kismaayo.