Skip to content

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar ismiidaamin ah oo loo aeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo maanta lagu qaaday Hotelka Makala Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lasoo dhigay Meel gawaarida la dhigto oo kuyaala Dhabarka Dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ilaa Sadax Qof oo rayid iyo Ciidan isugu jira ayaa ku dhaawacmay Qaraxa loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana Qaraxa ka dhashay bur burka gawaari badan oo yaalay halka uu qaraxu ka dhacay.

Hotelka Maka Al-Mukarama oo kamid ah Hoteelada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xiliga uu qaraxu dhacayay waxaa kasocotay Xaflad , waxaana gudaha Hoteelka kusugnaa Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in aysan waxyeelo kasoo gaarin qaraxaasi.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa qaraxa kadib xiray halka uu qaraxu ka dhacay , waxaana halkaasi Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah ka qaadeen Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa kuwaa oo loola cararay goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka Maka Al-Mukarama oo kamid ah Hoteelada ugu Waa weyn Muqdisho ayaa sidan oo kale waxaa horey loogu qaaday Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay kaa oo ay ku dhinteen dad badan.