Skip to content

Wariye ka tirsana BBC-da oo geeriyooday

Waxaa geeryoodey wari ka tirsana BBC-da,waxaana la sheegay geerida wariyaha inay ku dhacday si kadis ah kaddib markii uu ku dhacay wadno xanuun.

Weriyahan oo lagu magacaabi Jirey Komla Dumor wuxuu u dhashay dalka Ghana, wuxuuna BBC-da ka shaqeynayey tan iyo sanadkii 2007,waxaana dhimasadiisa xaqiijiyey madaxa qaybta wararka caalamka ee BBC-da Peter Horrocks
Wariyaahan geeryoodey waxaa lugu xasuusta barnaamijka sida weyn dadka ay ula socon jireen ee Focus on Africa.

Tafaftiraha wararka caalamka ee BBC, Andrew Whitehead, ayaa sheegay in geerida Komla ay shaqaalaha ku reebtay naxdin iyo murugo. wuxuu ku tilmaamay nin shaqadiisa ku fiican oo dhagaystayaashiisa ay jecel yihiin, oo ahaa qof fiican oo farxad leh.

Sidoo kale waxaa isna geerida wariyahaan ka hadlay madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama,waxaana qoraal uu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka uu ku sheegay inuu ka tacsiyeenayo geerida Dumor.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Ghana John Dramani Mahama,waxaa uu qoraalkiisa ku soo daray in Komla Dumor uu ahaa weriye tayo leh oo Ghana ay hadiyad ahaan caalamka u siisay.

Wariyaha geeryoodey ee Komla Dumor wuxuu ahaa 41-sanno jir,waxaana uu ku soo biiray BBC-da sanadkii 2007-da, kaddib markii uu in ka badan toban sanno ka shaqaynayay radio ku yaalay dalka Ghana oo uu ka soo jeedo.