Skip to content

Wasaaradda amniga DFS oo sheegtay inay qorsho cusub u dajisay sugida amniga

Storyline:Archive, Science & Tech

Wasaaradda ammaanka qaranka ayaa sheegtay in xillgaan rajo weyn ay ka qabto sugida amniga Muqdisho iyo guud ahaanba dalka,waxaana sida sheegay wasiirka amniga qaran.

C/kariin Xuseen Guuleed,wasiirka amniga qaranka dowladda Soomaaliya,waxaa uu tilmaamay in xilligaan wasaaraddu wado qorshayaal cusub oo ay ku doonayso inay guul kaga gaarto qaabka sugidda ammaanka  Muqdisho,waxaana uu inta ku daray inay rajo weyn ka qabaan inaysan imaan falal amniga wax u dhimi kara oo Muqdisho laga fuliyo.

Waxaa uu faray laamaha ammaanka iyo saraakisha in xilligaan ay xil weyn iska saaran sidii ay indha dheer ugu lahaan lahaayeen sugida ammaanka.

Hadalka wasiirka waxaa uu imaanaya xilli Al Shabaab ay ku adkeysanayaan inay sii wadi doonan qal-qal galinta amniga Muqdisho.

Raysal wasaare C/wali ayaa isagu si kulul shalay ula hadlay dhammaanka saraakisha amniga iyo wasaaradda ammaanka,waxaana uu u sheegay in laga dhowrayo jawaab deg deg ah oo ay ka bixiyaan dhacdooyinka ammaanka wax u dhimaya ee Muqdisho ku soo batay.