Skip to content

Wasiir Xirsi oo Xalay Munaasibad Uu Tashuushka Kaga Saarayo Qurbejoogtii Lacagta Ceerigaabo Bixiyey u Qabtay Qalab Duug ah Oo Uu Dhawaan Sabab Aan La Garanayn Djibouti uga Soo Dejiyey

Hargeysa:23-Feb-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Habeenkii Xalay Munaasibad Shaki saar ah ku Qabtay Xarunta Hay’adda Waddooyinku Ku Leedahay Magaalada Hargeysa.
wddWasiir Xirsi ayaa Munaasibaddan uga Dan lahaa inuu Tashuushka Kaga Saaro Qurbejoog Tiro Badan oo Lacago Ku Bixiyey Dhismaha Waddada Ceerigaabo-Burco iyo Kuwa La Diyaar ahaa oo uu Ballamo ka Haystay balse ka Shakiyey Hadalo soo Baxayey oo Sheegayey in lacagtaas lagu Iscitimaalay Ololihii La Doonayey in Meesha lagaga Saaro Guddoomiye Cirro.
Munaasibaddan oo habeenkii xalay ahaa Dhacday ayuu Wasiirku ku soo Bandhigayey Qalab Duug ah oo uu sheegay inuu Ka Soo Iibsaday Dalka Chine, waxana uu ku soo Casuumay Qurbejoog badan iyo Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay aad isugu Dhaw Yihiin.

Haddalladii Halkaas Laga Jeediyey ayaa intooda Badan u Badnaa Qaar lagu Buunbuuninayey Qalabka Waddooyinka Loo Soo Iibiyey iyo Kuwo lagu Sheegayo in la Hayo Lacago Tiro badan oo dhismaha waddada wax lagaga qabanayo
Sidoo kale Munaasibadda ayaa u ekayd mid lagu Shaacinayey in La Soo Iibiyey Qalab Tayo Fiican leh oo Muddo badan dalka wax u taraya, iyadoo ay isasoo Tarayaan Shakiga laga Muujinayo Agabka La Soo Iibiyey Oo Sababtii Djibouti looga Soo Dejiyey si Weyn looga Shakiyey.

Dadka qaar ayaa aaminsan in sababta Qalabkaas Looga Soo Dejiyey Dalka Djibouti ay tahay in la Qarooyo Duugnimadiisa, iyadoo Dhulka La Soo Mariyey si Boodhku ugu soo Dhaco oo aan Loo Garanin inuu Gaboobay iyo inuu Cusub yahay.

Wasiir Xirsi oo Isaga Laftiisu Halkaas Ka Hadlay, ayaa sheegay inay Haatan Gacanta ku Hayaan Lacag Gaadhaysa ilaa Shan Milyan oo Doollar, isagoo Intaas ku Daray inay Haystaan Ballamo Badan oo ay ku Heli Karaan Lacago aad u Badan oo Waddadadaasaa Loogu Talo Galay, waxana uu ku Dheeraaday inuu Lacata Inteeda Badan ka Dhawrayaan Dadka Qurbaha ku Nool.
Qurbejoogga, ayaa Tan iyo intii uu Soo Baxay Dagaalkii Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanak U Dhexeeyey waxa Dhegahooda ku soo Badanayey Hadallo tibaaxayey in lacagtii ay Bixiyeen loo isticmaalay Khilaafka Golaha laga Abuuray, waxana ay Taasi Keentay in dad Badan oo Hore ugu Ballan qaaday inay Lacag Bixinayaan ay Candhuuftooda dib u liqaan.