Skip to content

Wasiirka haweenka Soomaaliya oo la kulantay Ban Ki-Moon

Storyline:Archive, Science & Tech

Magaalada New York ee dalka Marekanka waxaa kulan arrimo badan looga hadlay uu ku dhexmaray wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha dowladda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed iyo xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Kulanka labada dhinac ayaa lugu sheegay inuu ahaa kulan gaar ah,waxaana qodobbada looga hadalay lugu sheegay inay ugu muhiim sanaayen sidoo Qaramada Midoobay ay ula sheqeyn lahayd haweenka Soomaaliyed iyo wasaaradda arrinta uqaabiltan haweenka dowladda Soomaaliya.

Marwo Khadiijo Maxamed,marka hore waxaa ay sheegtay inay uga mahad celisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon qaabilaada iyo soo dhaweynta uu u sameeyey waxaanaay uga warbixisay halka ay marayso xaaladda Haweenka Soomaaliyeed iyo qorshayaasha ay Wasaaraddu u dejisay hormarinta Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha iyo sidoo kale carruurta Soomaaliyeed,ayadoo sidoo kalena ka hadashay qaabka ay u aragto Wasaaraddu iney kula shaqeyn karto amaba uga baahantahay hay’adaha QM.

Ban Ki Moon,ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad u bogaadiyey dadaallada ay Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta xuquuqda Aadanaha wado ee lagu hormarinayo haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed waxaana uu ballan qaaday in QM hay’adaheeda kala duwan ay kala shaqeyn doonaan arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Khadiijo Maxamed Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka,ujeeddada ay dalka Marekanka ku jogto waxaa la sheegay inay ka qeyb-gashay kulanka 58-aad ee Haweenka Caalamka kaasi oo ay aheyd markii ugu horeysay oo wafdi metelaya Soomaaliya ay ka qeybgalaan mudo 20 sano ah kadib.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr mar waxaa ay sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso sidii loo hormarin laha haweenka Soomaaliyed.