Skip to content

Wasiirka Waxbarashada oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia(Daawo Sawirada )

Storyline:Archive, Science & Tech

Kulankaan oo kamid ah kulama isdaba socda oo uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarinta la yeelanayo hay’addaha & wadmada danenaya waxbarashada Soomaaliya ayuu kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Ethiopia ee Soomaaliya Mudane: Wondimu Asamnew ujadeedada kulanka labada mas’uul ayaa aheyd sidii la iskaga kaashan lahaa xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya labada wadan

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Emb. Wondimu Asamnew ayaa ugu horeyntii u soo gudbiye Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed (Guraase) dhambaal hambalyo ah uu ugu siday dhigiisa dalka Ethiopia waxa uuna sheegay in dowlada Ethiopia diyaar u tahay sii xoojinta xiriirka Waxbarasho ee labada dal ka dhaxeeye, Ethiopia waxaa joga Arday badan oo Soomaaliyeed oo wax ka barata diyaarna waxaan u nahay in aan xoojino xiriirka naga dhaxeeya sidaas waxaa yiri safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Amb. Wondimu Asamnew .

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed (Guraase) ayaa kaga mahadceliye safiirka booqashada & dhambaalka hambalyada ah uu soo gaasiiye una rajeye in xiriirka labada dhinac sii socon doona xagga Waxbarashada, xukuumadeena waxaa ka go’an sii wadista iyo xoojinta xiriirka aan la leenahay Wadamada daneeya soomaaliya ka Wasaaradd ahaana waxaan xoojin doonaa xiriirka Waxbarasho ee nagala dhaxeeya Wadamada caalamka kulankaana waa mid la xiriira xiriirka Waxbarasho ee labada Wadan sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane: Ciise Maxamed Axmed (Guraase).

Isku soo wadaduuboo Wasiirka Wasaaradda ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegay ku howlanaa dar dar galinta howlaha Wasaaradda asigoona kulamo xoogan la lahaa dhamaan dhinacyada waxbarashada Soomaaliya khuseeyso.