Skip to content

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo siyaabo kala duwan ula kulmay Dominik Langenbacher (Daawo Sawirada)

Storyline:Archive, Science & Tech

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal , taageerida hey’adda dowladda Federaalka iyo caawinta maamulada gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay dowladda Switzerland talooyinka wax ku oolka ah iyo taageerada ay u fidineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Ambassador Dominik Langenbacher, iyadoo kulankaasi uu ku dhamaaday jawi is faham leh , waxaana la qorsheynayaa in Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka H.E. Abdullahi Godah Barre iyo Wasiirka Amniga qaranka H.E. Abdikarim Hussein Guled inay xafiisyadooda si gaar gaar ah ay ugu qaabilsaan Danjirahaasi dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya .

wa_1

wa_2

wa_3

wa_4

wa_5