Skip to content

Weerar Madaafiic la isku Adeegsaday oo Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fariisin ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay soo weerareen dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh buuraha Janta Kundisho ee duleedka bari ee magaa;lada Beledweyne ay ku jawaabeen madaafiic culus iyadoo dadka ku nool Beledweyne oo qiyaastii 25km ay u jiraan buuraha Janta Kundisho ay maqlayeen dhawaqa madaafiicda.

Lama oga haddii khasaare uu ka dhashay weerarkan iyo haddii kale, mana jirto cid ka hadashay weerarkan illaa hadda oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ee ay Itoobiyaanka ka tirsan yihiin.

Xaalada Beledweyne iyo agagaarka halka uu weerarku ka dhacay xalay ayaa la soo sheegayaa inay degan yihiin saaka, sida warku nagu soo gaarayo.

Hawlgalo ka dhan ah ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah uga bilawday gobollada Gedo iyo Bakool ee koonfurta dalka iyadoo taliska AMISOM iyo maamulada goboladaasi ay xaqiijiyeen inay la wareegeen deegaano ka mid ah gobolladaasi oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.