Skip to content

Xaad ” Hoteelada kuyaala Laamiga Maka Al-mukarama 100-$ ayaa lagu jiiftaa kuwa Bakarahana 10-Dollar”

Storyline:Archive, Science & Tech

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya Masuuliyiintooda ku eedeeyay in ay isku koobeyn kaliya Degmooyin gaar ah oo kuyaala Gobolka Banaadir.

Xaad waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Dowlada gaar ahaan wasiirada iyo Saraakiisha Dowlada aan lagu arag degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ayna isku koobeen kaliya Xaafado gaar ah oo ku teedsan Laamiga Maka Al-Muakarama.

”Laamiga Maka Al-Mukarama Hoteelada saaran waxaa habeenkii lagu jiiftaa lacag gaareysa Boqol Dollar , halka Hoteelada kuyaala Suuqa Bakaaraha lagu jiifto lacag gaareysa Toban Dollar ” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Inta Badan Xubnaha katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ka baqa in ay dagaan ama ugu yaraan tagaan Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir sida Degmada Hiliwaa , Yaqshiid , Kaaraan , Dayniile iyo Dharkeenley”