Skip to content

Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la ballaarinayo

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa la kordhinaya xafiisyada Qaramada Midoobay uga furan Soomaaliya,iyadoona la garsiinayo magaaloyin cusub,sida waxaa sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xilligaan waxaa uu sheegay wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Nichlos Kay,in xafiisyada ay ku leeyihiin dalka ay yihiin kuwo kooban balse xilligaan la ballaarin doonno oo deegaanno cusub la garsiin doonno.

Shaqada ay qabtaan ayaa sidoo kale kooban xafiisyada xilligaan QM ay ku leedahay magaaloyin Baydhabo ay ka mid tahay,sidoo kale xafiis ayaa isna ka furan magaalada Kismaayo oo saldhig uu ah maamulka Jubba.

Nichlos Kay oo ka hadlayey qorshayaal cusub oo lugu ballaarinayo xarumaha ay ku leeyihiin gobollada dalka,waxaa uu sheegay in magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ay ka furan doonaan xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in guddoomiyaha gobalka iyo Shacabka Reer Beladweyne uu usheegay in xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay Beladweyne laga furayo.

Tallaabadan ballaarinta xarumaha Qaramada Midoobay,waxaa uu ku sheegay wakiilku inay tahay mid daliil uu ah sida Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay la shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaaliisamka.

Horey waxaa jiray in xafiisyo ay Qaramada Midoobay ku lahayd,magaalada Kismaayo,Baydhabo iyo saldhigooda ugu weyn oo ku yaalla magaalada caasumada ah ee Muqdisho.