Skip to content

XOG: Maamulka Somaliland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Isku Maandhaafsan Lacag Ka Timid Bangiga Horumarinta Afrika

Storyline:Archive, Science & Tech

Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa isku khilaafsan lacag horumarin ah oo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) uu soo marsiiyey dawlada Soomaaliya taasoo loogu talagalay gobollada dalka oo ay ku jirto Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa ku gacan seyray in gebi ahaanba aysan qaadaneyn wax lacag ah oo soo maray Dawlada Federaalka Soomaaliya balse ay doonayaan in lacagta iyaga toos loo siiyo, halka Bangiga Horumarinta Afrika uu ku adkeystay in lacgta ay mari doonto wasaaradda maaliyada iyo lacagta ee dawlada Muqdisho.

Xog ay Raxanreeb ka heshay saraakiil ku sugan Muqdisho ayaa sheegeysa in dawlada Federaalka Soomaaliya ay xiriir la sameysay maamulka Somaliland si ay lacagtan u qaataan, uguna adeegsadaan mashaariicda loo qoondeeyay oo isugu jira kuwo dhinaca horumarinta ah iyo kuwo la xiriira doorashooyinka maamulka kadhacaya.

Lacagtan ayaa la sheegayaa in qeyb ka tahay $3.8 Milyan doolar (saddex milyan iyo siddeed boqol kun doolar) oo ah hanti Bangiga Horumarinta Afrika u yaboohay Soomaaliya bishii May 2013, taasoo loogu talagalay in la wada gaarsiiyo goboolada xasiloon ee dalka oo ay kujiraan maamulada Somaliland, Puntland, Koonfurta, gobollada Dhexe iyo Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Qorshaynta maamulka Somaliland Sacad Cali Shire shalay oo ahayd 10/03/2014 ayy ku sheegay inay qaadeceen kana soo hojeedaan lacag iyo mashaariic uu Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ku caawinayey maamulka Somaliland taas oo uu Bangiga uu soo mariyey Soomaaliya,  wasiirka ayaa warkaasi uu soo saaray ku sheegay in Somaliland ay qaadan karto oo kali ah lacagtaasi haddii Bagiga Horumarinta Afrika uu si toos ah usiiyo maamulka Somaliland.

“Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahan yahayna kawada hawl-geleyno sidaa owgeed Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aysan  gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.” ayaa ka mid ahaa hadalada lagu xusay war saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, Wasaaradda Maaliyada iyo Lacagta Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Dhexe ee dalka ayaan weli ka hadlin arrinkan, waxaana meeshiisa taagan go’aanka Bangiga Horumarinta Afrika oo ah inuu lacagta toos ugu dhiibayo dawlada Soomaaliya maadaama heshiiska ay la saxiixdeen Dawlada Federaalka Soomaaloya xilligii xukuumadii hore ee Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Maamulka Somaliland iyo dawlada Federaalka Soomaaliyeed waxaa u socday wadahadalo dhowr jeer ay ku yeesheen wadamo dibadda ah, kuwaasoo looga hadlayey arrimo kala duwan, waxaana dawladan oo aan ahayn Ku-meelgaar ay xilligan heleysaa dhaqaale ka imaanaya caalamka oo ku socda dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Waxaase dadka odorosa arrimaha gudaha ee siyaasadda ay sheegayaan in diidmada Somaliland ee lacagtan ay sii adkeyneyso helitaanka kaalmooyinka caalamka ee ay heli lahaayeen dadka ku dhaqan deegaanada Somaliland maadaama ay isbedeleen qorshayaashii adduunka ku bixin jiray taageerada Soomaaliya.