U bood dhigaalka

Erdogan Oo Farmaajo U Ballan-qaaday Garab Istaag

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashada xilka isagoo ballan-qaadey is garab istaag iyo taageero dhab ah in uu siin doono xukuumadiisa.

Recep Tayyip Erdogan oo Teleefan u soo diray madaxweynaha cusub waxaa uu ku booriyey in uu ka shaqeeeyo horumarinta dalka iyo dadka.

Lama oga faah-faahin dheeraad ah  oo ku saabsan sheekada dhexmartay labada madaxweyne, wixii warar ah kala soco, halkan

Goobjoog News