U bood dhigaalka

Erdogan oo guul weyn ka gaaray doorashada madaxtinimo ee Turkiga

Sheeko:Caalamka

[huge_it_slider id=”50″]

Raiisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guulaystay doorashadii madaxweynanimada ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horaysay ee taariikhada dalkaasi oo dadweynaha fursad u siisay inay toos u soo doortaan madaxweynaha dalka

Erdogan oo la hadlay taageerayaasha xisbigiisa ayaa waxa uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono mustaqbal cusub oo uu yeesho Turkiga.
Wuxuu madaxweynaha cusub u sheegay kumanaan taageerayaashiisa ah inay furayaan baal cusub oo dalkaasi Turkiga ah, ayna soo dhisayaan dowlad wax badan ka badasha xaalada dalkaasi.

Erdogan ayaa helay 52% codadkii la dhiibtay wallow aan si rasmi ah wali loogu dhawaaqin natiijada codeynta. Wuxuu dalkaasi ra’iisul wasaare ka ahaa tan iyo sanadkii 2003 ilaa iyo hadda, waxaana la filayaa in xisbigiisa ay iska soo xulaan ninka noqonaya ra’iisul wasaaraha isaga badalaya, maadaama madaxweyne uu ku guuleystay.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in loo dhaariyo xilkiisa 28 bishaan August ee sanadkaan oo ay ka harsan tahay 17 maalin.
Erdogan ayaa lagu xasuustaa booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku yimid Magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii xilligaas oo ay dalka ka dhacday abaar ba’an.

Erdogan ayaa tusay indhaha caalamka in Soomaaliya ay ka jirto fursado badan oo lagu gargaari karo, isla markaana la booqan karo, wixii intaa ka dambeeyay waxaa isasoo tarayay madax ka socota caalamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.