U bood dhigaalka

Erdogan: Shacabka Waxaa Ay Taageereen Isbadallada Dastuuriga Ah

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in shacabka dalkaasi ay taageereen isbadallada dastuuriga ah ee lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadalkan ka sheegay shir jaraa’id ayaa intaasi ku daray in kooxda “Haa” ku codeysay ay hal milyan ka badnaayeen kooxda ” Maya”.

Isbadallada dastuuriga ah ee dhacay dalka Turkiga waxaa ay dhaqan geli doonaan 2019-ka, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga.

Aftidii Axaddii dhacday, 51.3% waxaa ay u ogolaadeen isbadallada dastuuriga halka 48.65 ay ka soo horjeesteen.

Akhriso, Qodobada Dastuuriga Ah Ee Isbadalay:

Goobjoog News