U bood dhigaalka

Erdogan: Soomaaliya waxay Tusaale Fiican u Tahay Xiriirka Turkigu Doonayo In Uu La Yeesho Qaaradda Africa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay xiriirka uu Turkigu doonayo inuu la yeesho dalalka Africa.

Erdogan ayaa xusay in Soomaaliya ay burbur qarka u saarneyd sanadkii 2011,  laakiin maanta ay lugaheeda ku taagan tahay, waana dadaal ay sameeyeen ayuu yiri Turkiga iyo Xulafadiisa caalamiga ah.

Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Talaadadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo ay ka wada qeyb galayeen shirka Hiigsiga Lixaad ee Heerka sare ee ka bilowday dalka Turkiga Isniintii la soo dhaafay, laguna soo gabagabeynayo maanta magaalada Istanbul.

Erdogan ayaa muujiyay sida uu u rajeynayo in shirku uu u miro dhalo isla markaana uu Soomaaliya u horseedo horumar, nabaddana u xoojiyo, waxaanuu  xusay in “Soomaaliya weli ay haysato dhibaatooyin fara badan oo ay ugu weyn tahay, la dagaalanka argagixisada, iyo dib u soo celinta adeegyadii dowladda ee shacabka”.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in ” ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya illaa laga xaqiijinayo nabad iyo xasillooni”.