U bood dhigaalka

Erdogan: Tukigu Waxa uu sii Wadi Doonaa Taageerada Soomaaliya si Shacabku u Helo Ammaan iyo Nabad

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dhinacyo farabadan oo taabanaya arrimaha dibadda dalka Turkiga.

Waxa uu ka hadlay dagaalada ka socda waddamada qaar uu sheegay in  Turkigu la dhibaatoonayo qulqulka qaxooti aad u farabadan oo gaaraya dalka Turkiga, waxaanuu yiri maaha in aan is illowsiinno dhibaatadaas xanuunka badan.

Waxa ka socda dalka Suuriya ayuu ku tilmaamay inaan laga aamusi karin, isagoo sheegay in dhibaatada ugu badan ay soo gaarayso dalka Turkiga, isagoo yiri; jabhadda Al-Nusra, Daacish, iyo xisbiga dimuqraadiga Kurdistan iney yihiin dhamaan argagixiso dhibaato ku ah dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxa uu xusay dhibaatada iyo dagaalada Suuriya iyo Ciraaq iney dhibaato ku hayaan dowladaha dunida oo dhan.

Waxa uu si cad u sheegay in ay sii wadayaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, si ay u helaan Ammaan iyo Nabad.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay “waxaan caalamka ugu baaqeynaa iney go’aan adag ka qaataan argagixisada iyo dadka taakuleeya iyo inaan hadal kaliya lagu kaaftoomin, iyadoon argagixisada loo kala saareyn mid fiican iyo mid xun toona”.