U bood dhigaalka

Cadaado: Egada Oo Ka Doodi Doonta Dastuurka Maamulka Loo Dhisayo Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ergada shirka maamul u sameynta goballada dhexe ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan Dastuurka uu yeelanayo maamulka loo dhisayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in uu soconayo diyaargarow loogu jiro qabsoomidda shirka looga hadlayo dastuurka maamulka oo maalintii khamiista uu hakad ku yimid.

Suldaan Cabdicasiis Cumar oo ka mid ah ergada ka qeyb galaysa shirka ayaa sheegay in howlaha iminka ay ku socdaan si wanaagsan.

Wuxuu sheegay Suldaanka in loo baahan yahay in dadku isku tanaasulaan si loo gaaro maamul iyo dowladnimo ka hirgasha Mudug iyo Galgaduud.

Khamiistii aynu kasoo gudubnay ayaa la filayay in laga dodo Dastuurka maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud yeelanayo, hase ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada