U bood dhigaalka

Ergada Q/Midoobey Iyo M/Afrika Ee Soomaaliya Oo Bilaabaya Dhex-dhexaadinta Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom  iyo Ambassador Francisco Madeira oo maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay bilaabayaan dhex-dhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Mudane Cabdi Xaashi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri “Saaka waa ii yimid Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom  iyo Ambassador Francisco Madeira, waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa in aan tagno dowlad goboleedyada, adinka waxaan idiinka rabnaa in wixii talo ah oo aad na sii neysaan na siisaan, waxaan siinney, intii aynu soo wadnay iyo arrimhii sidii ay u dhaceen oo dhan, waxay dhaheen, maxaan ku dhahnaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexaba? “.

Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac oo kulanka faahfaahin ka bixiyey wuxuu yiri” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii xaladda hadda jirta loo dejin lahaa, sidii shaqada aqalka sare loo taageeri lahaa iyo talaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaadi karo sidii nabad iyo xal waaro loogu heli lahaa qarannimada Soomaaliya, waxaa uu guddoomiyaha uga mahadeceliyey xog raadin-doontooda iyo waqtiga ay ku bixiyeen, guddoomiyahana wuxuu siiyey xog balaaran shaqadii aqalka soo qabtay, meesha wax marayaan iyo tallaabooyinka la rabo in la qaado”.

Goobjoog News