U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka Abaaraha oo Booqday Caruurta Ku jira Isbitaal Martiini+Sawirro

Sheeko:Caalamka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u kuur galayay xaaladda dadka barakacayaasha ah eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa  Carruur aad u fara badan oo ay heyso nafaqo darro bad’an, ayaa ku jira Isbitaalka Martiini, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ( Jalaaludiin), ayaa uga warbixiyay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay Abaaraha ka jira dalka, waxa uuna sidoo kale sheegay in aad loogu baahan yahay in si degdeg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay, ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruufo xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya u badkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada iyo kuwa kale ee caruurtu ay u nugul yihiin oo soo ridtay..

Sababaha ugu badan ee arrintaan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maareynta noloshooda iyo u badkooda.

Agaasime Dr. Jalaaludiin ayaa yiri “ waxaa hadda  Isbitaalka ku sugan in ka badan 70 Carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu talagalay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah”.  Ayuu yiri Agaasime Dr. Jalaaludiin

Ugu dambeyn, Ergeyga, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowladdaha deeqda siiya Isbitaalka gaar ahaan Dowladda Talyaaniga, hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka Bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan Caruurta nafaqo darrada hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Goobjoog News