U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Abaaraha oo La Kulmay u Qaabilsanaha Dowladda Ingriiska Ee Geeska Afrika

Sheeko:War
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay gaaray magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Dawladda Ingiriiska Sarah Montgomery iyo masuuliyiin kale.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Xoghaya joogtaa ah ee Horumarinta Gargaarka bani’aadannimada Nick Dye, Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Corin Robertson iyo Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada Nick Bridge, halka ay aaladda fogaan aragga uga qeyb qaateen safaaradda UK ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kulankan ayaa daba socday kulan uu Ergeyga Magaalada New York kula soo yeeshay Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee UK, Vicky Ford. Ergayga ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu la kulmay sidii ay dawladda Ingiriiska u kordhin lahayd dadaallada u qareemidda gurmadka abaaraha iyo sidii ay deeq-bixiyayaasha ugu soo jeedin lahayd in wadajir looga hor tago macluul daran oo Soomaaliya ka dhacda.
 Ergeygu wuxuu la wadaagay FCDOGovUK, halka uu marayo kacdoonka shacabka iyo guulaha milatari ee ka dhanka ah argagixsada, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay iftiin hor-dhac ah u yihiin xasilloonida amni ee Soomaaliya, isagoo ka codsaday dawlada Ingiriiska in ay indhaha caalamka ku soo leexiso sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacabka iyo ka go’naashaha hoggaanka dawlada ee lagu ciribtiro Kooxaha argagixsada ah.
Ergeygu wuxuu sidoo kale si gaar ah ugala hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Arimaha Dibada UK ee Is-baddalka cimilada Nick Bridge, wax ka qabshada cimilada heer caalami, xoojinta u adkeysashada is-baddalka cimilada ee Soomaaliya iyadoo loo marayo dhaqaalaha la xariira mag-dhowga cimilada, la qabsiga maxalliga ah iyo dhisidda awoodda Dowladda.
Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqooyiga America ee Maraykanka iyo Canada.
Goobjoog News