U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Somaliland oo Kulan Wadatashi ah La Qaatay Xildhibaannada Gobollada Waqooyi

Sheeko:Dalka
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kulan wadatashi iyo la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay gobollada Waqooyi ee Soomaaliland, kuwaas oo madasha ku sugnaa.
Kulankan oo ay soo xaadireyn inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya labadiisa gole  ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cadi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled oo ugu horeeyn ka hadlay goobta ayaa uga warbixiyay Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowlada ee goobjooga ahaa Shaqooyinka culus ee Horyaalka xafiiskiisa iyo sida aan looga maarmin taladooda ku aadan ka gun-gaarista xal u helida Arrimaha Soomaaliland, isaga oo aad ugu dheeraad ahmiyadda ay leedahay in laga wada hadlo oo laga tashado.
“Dadka reer Somaliland dad meel cidlo ah ka diday ma ahan, wax ay goconayaan oo Uur kutaallo ku noqday ayaa jiro, lagalana hadlo laga garaabo, si walaalnimo tolnimo iyo wax isku sheegid. Wadahadallada aan daadihi doono ee la ii idmaday, waxaan rabaa in hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, in dhaawaca korkiisa aan la dhiyine la dilaaciyo Boogta laga guul gaaro waxa tabashadu tahay iyo sida xalkeeda dhabtaa uu yahay si aysan barri usoo laaban, oo xal waara oo la isaga raali yahay la isaga qanacsan yahay in la isaga yimaado” ayuu yiri Ergayga.
Qaar Ka mid Xildhibaanada joobta joogay, Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad u soo dhaweyay howlaha dardarta leh ee Ergeyga, waxaan ay u ballanqaaday dhammaantood in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, ayana ku garab istaagayaan dhabbo kasta oo lagu xaqiijinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Goobjoog News