U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Somaliland oo Kulan Watashi ah Laqaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Sheeko:Amniga
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Kullankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa diirada lagu saaray sida loo xoojin karo wadahadallada Somaliland, iyo doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qaadan karaan ka miro-dhallinta dedaalada xooggan ee ku wajahan wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilan.
Qaar ka mid ah Masuulliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ee ka qeyb galay kullanka ayaa soo jeediyay tallooyin aad muhiim u ah, waxaana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynya Xafiiska Ergeyga, ayna ku biirinayaa waxkasta oo xoojinana Ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland.
Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay tallooyinka wanaagsan oo ay la wadaageeyn Ka qeyb galayaasha, waxaana uu tilmaamay in kaallinta Bulshada Rayidka ee wadahadallada Somaliland ay tahay mid aad muhiim u ah, ayna qorsheynayaan in ay qaataan door hoggaamineed oo horseedaya isdhexgalka Shacabka walaalaha ah.
Goobjoog News