U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka Abaaraha oo Caruur Ku Booqday Isbitaalka Banaadir

Sheeko:Caafimaadka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u kuurgalayay xaaladda dadka baracayaasha ah ee ku sugan  Magaalada Muqdisho ayaa maanta booqasho ugu tagay, xilli ay hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah oo soo food saartay caruurta iyo dadka da’da ah.

Xaaladda Nafaqo darrida ah  oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa Carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan oo dadka iyo duunyada saameyeeyay, waxaana Bukaanada uu ku booqday Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrida ka dhalatay abaaraha , waxay ay sidoo kale Agaasimuhu intaas raaciisay  in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Agaasime Fartuun oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 Carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrida ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha ayaa dhankiisa  ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan Caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay, kuwaas oo hadda ku jira Ibtaalka Banaadir.

Goobjoog News