U bood dhigaalka

Ergeyga Gaarka ah Ee QM James Swan Oo Booqday Soomaaliland

Sheeko:Dalka

Iyadoo ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilka xafiiska, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay wada-hadal lagu xalliyo caqabadaha ka jira gobolka.

“Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa in aan carrabka ku adkeeyo muhiimadda ay leedahay dhismaha iyo joogtaynta hababka wada xiriirka ee lagu xallinayo kala duwanaanta si nabad iyo wax dhisid ku dheehantahay,” ergeyga QM, James Swan, ayaa sidaas yiri.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka.

Intii u ku guda jiray booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku tegay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa madaxa QM wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda haweenka ah iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijyada QM.

Intii uu ku guda jiray kulamadiisa, ayaa Ergeyga Gaarka ah wuxuu mar kale ku celiyay sida ay hay’addan caalamiga ah uga go’antahay taageerada Somaliland.

“Sababaha aan halkan u joogo waxaa kamid ah in aan gacan ka geysto xoojinta wada-shaqaynta ku aaddan hawlaha samafalka, horumarinta dhaqaalaha iyo tayo-dhisidda maamulka deegaanka iyo bixinta adeegyada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri.

“Waxaan ku farxay in aan arko qayb kamid ah mashaariic si isku mid ah loogu caawinayo qoxootiga iyo xubnaha bulshada sidii ay ku heli lahaayeen xirfado ay wax ugu qabtaan nafsaddooda iyo qoysaskooda,” ayuu raaciyay. “Bulshooyinka marti-geliyay qoxootiga iyo magan-geliyo doonka waxay horeyba si weyn u gacan siinayeen kooxahan, barnaamijyadaanna ma aha kuwo xirfado muhiim ah siinaya qoxootiga oo kaliya, laakiin waxaa sidoo ka faa’iideysta bulsho weynta.”

Waqtigaas ka hor, ayaa madaxa QM wuxuu booqday Mac-hadka Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland, kaas oo ay taageeraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda QM ee Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), wuxuuna mac-hadku diyaariyaa xirfadaha lagu maareeyo adeegyada deegaanka ee asaasiga ah ee loogu faa’iideeyo dadka Somaliland.

Md. Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP –  oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason.

Goobjoog News