U bood dhigaalka

Ergeyga Gaarka ah ee QM oo soo dhoweeyay ku dhawaaqidda golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 29 Janaayo 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Federaalka cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya 27kii bishan Janaayo 2015.

“Ku dhawaaqiddan waa tallaabo muhim ah ee loo qaaday dhanka dhisidda xukuumad cusub,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Marka la ansaxiyo, Dowladda Federaalku waxay u baahnaan doontaa inay si degdeg ah wax uga qabato ujeeddooyinka dowlad dhisidda iyo nabadaynta ee ay Soomaaliya hiigsanayso. Wax badan baa weli haray in la qabto si loo dhammeystiro Aragtida 2016 ee Soomaaliya. Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay kaalin muhim ah oo degdeg ah oo uu ka cayaaro marinta/ansaxinta xeerar muhim ah iyo dhisidda guddiya madaxabanaan ee weli haray sida ku qoran dastuurka ku-meelgaarka, gaar ahaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee Madaxabanaan. Waxaa maalmaha iyo bilaha soo socda loo baahnaan doonaa jawi isutanaasulid iyo dibuheshiisiineed. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dowlad dhisidda iyo nabadaynta Soomaaliya.”