U bood dhigaalka

Ergeyga Qaramada Midoobey oo Dhinacyada Mooshinka ugu Baaqay Wada Hadal

Sheeko:Dalka

Ergayga-Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Mr. Kay ayaa soo dhoweeyay sida waxtarka leh ee ay dhammaan dhinacyadda oo dhan ay oogu howshoonyihiin sidii ay wadahadal oogu dhamayn lahaayeen khilaafka ka dhashay Mooshinka xil kaqaadista iyo sida ay ooga go’antahay arrimaha nabadda iyo xasillooniduba.

“Waxaan soo dhowaynayaa dadaalka ay wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed iyo Guddiga taageersan Mooshinka xilkaqaadista si ay si waxtarleh isagala shaqeeyaan uguna xaliyaan wada hadal iyo wadatashi arrimihii lagu tilmaamay Mooshinka Xilka qaadista”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah Mr. Kay.

“Waxaan oogu baaqayaa dhamman dinacyada ay arrintu khusayso in ay si dhakhso leh horay oogu howlgalaan si ay xal oogu helaan khilaafka hadda
Jira, xalkaas oo u ogolaanayo horumarka Geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya in uu u socdi si aan hakad dambe lahen, sidoo kalena ay isugu yimaadan dhinacyada siddi ay diirada isula saari lahaayeen si dii loo bilaabi lahaa qabsoomiddii Madashii looga Arrinsanlahaa Doorashooyin ay leeyihiin daddka Soomaaliyeed ayna Garwadeen ka yihiin sannadda 2016” ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah.

Goobjoog News