U bood dhigaalka

Ergeyga QM oo ku baaqay in la taageero maamulka saddexda gobol ee Koofur Galbeed

Sheeko:Dalka

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Xafiiska UNSOM Nicholas Kay ayaa ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee isku haya siyaasadda Koofur Galbeed Soomaaliya inay ka qeybqaataan sidii loo aasaasi lahaa maamul ku-meel-gaar ah oo ay yeeshaan gobolada konfur galbeed ee dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa kuwa banaanka ka ah qorshaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya inay taageeraan heshiiska ayna gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa Federalka Soomaaliya,”ayuu yiri Nicholas Kay oo booqasho ku tegey magaalaa Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

wakiilka Qaramada Midoobay ayaa u tegey Baydhabo sidii uu ugu biirin lahaa taageeradiisa maamul ay yeeshaan saddexda gobol ee Bay,Bakool iyo Shabelaha Hoose.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in looga baahan yahay siyaasiyiinta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax walba oo carqalad u keeni kara sidii loo aasaasi lahaa maamulka saddexda gobol.

Mudadii uu booqashada ku joogay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo isagana ku sugan magaalada Baydhabo iyo weliba guddiga farsamada ee maamul u samaynta saddexda gobol ee kal hore xukuumaddu magacawday.

Inta badan siyaasiyiinta iyo hogaanka maamulka lixda gobol ayaa ka biyo diidan iney taageeraan qorshaha dowlada federaalka ee maamulka saddexda gobol.