U bood dhigaalka

Ergo ka tirsan garabka Barre Hiiraale oo gaaray Garbahaarey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ergo ka mid ah siyaasiyiintii uu hor kacayay hogaamiye kooxeed hore ahaana wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa shalay gelinkii dambe ka degay degmada Garbahaarey si ay uga qeyb galaan shirka dhowaan ka furmaya halkaasi.

Cabdi Shire Warsame oo ka mid ah xubnaha siyaasiyiinta ah ee garabka Barre Hiirale ayaa isaga oo la hadlaya Goobjoog FM waxa uu sheegay in ay Garbahaarey ku qabanayaan shir lagu mideynayo beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ujeedka shirka ayuu ku sheegay sidii la isugu keeni lahaa dhamaan bulshada degta gobolka sida wax garadka, culimada, siyaasiyiinta, odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka.

Waxaa kaloo maanta lagu wadaa in ergo kale oo ka tirsan garabka Barre Hiiraale ay gaaraan magaalada Garbahaarey kuwaas oo ka ambabaxaya magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageysa wareysiga Maxamed Cabdullaahi uu la yeeshay Cabdi Shire Warsame: