U bood dhigaalka

Ergooyinkii ka qeyb geli lahaa shirka maamul u sameynta gobollada dhexe oo Cadaado gaaray

Sheeko:Dalka

Ayadoo weli ay socoto qaban-qaabada shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa Inta badan ergooyinkii ka qeyb geli lahaa shirka waxaa ay gaareen Dagmada cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo xeeb.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Careys maxamed Xaaji oo u waramay Goob-joog FM ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka ay soo gaareen dagmada cadaado halkaasi oo uu sheegay in kulamo gaar gaar ah ay ku qaadanayaan.

Waxa uu tilmaamay in inta badan dhinacyada kuwada sugan dagmada cadaado ay ka mideysan yihiin in la sameeyo maamul Goboleed loo dhan yahay si ay meesha uga baxaan maamulada aan dastuurka waafaqsaneyn ee ka jira Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyey, halkaas oo dhawaan lafilaayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobolada Galgaduud iyo Mudug.