U bood dhigaalka

Eritrea Iyo Soomaaliya Oo Dalbaday In Cunaqabateynta Hubka Laga Qaado, Yaa Diidan?!

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea  Cusmaan Maxamed Saalax ayaa ku eedeeyey dalal ku jira golaha ammaanka  ee Qaramada Midoobey in aaney dooneyn in cunuqabateynta laga qaado dalkiisa kadib heshiiska ay la gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

December 23, 2009, golaha ammaanka ayaa cunaqabateyn hubka ah saaray Eritrea, waxaa kale oo safarka loo diiday hoggaamiyeyaal dalkaasi ah, iyada oo hanti badan ka hakiyey, sababta lagu heystay waxaa ay aheyd in maal-geliyaan Al-shabaab.

July 2012, U.N. Monitoring Group on Somalia and Eritrea ayaa sheegay in Eritrea ay jartay taageeradii ay siin jirtay Al-shabaab.

Hadal uu ka jeediyay golaha ammaanka, Saalax waxaa uu sheegay in cunaqabateynta ah tahay mid aan loo baahneyn, isla markaana ay wadato dhibaato dhaqaale, isaga oo ku baaqay in laga qaado.

Wasiir arrimaha dibadda Eritrea  waxaa uu daba socday hadal uu ka jeediyey Congress-ka Tibor Nagy, oo kaaliyaha arrimaha Afrika ee wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, isaga oo cabsi ka muujiyey xuquuqul insaanka ka jira Eritrea   iyo xiriir uu sheegay inay la leedahay Waqooyiga Kuuriya.

Dhankeeda, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay in dalka laga qaado xayiraadda saaran ee dhanka hubka ah.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in xayiraaddan oo la qaado ay sahleyso in Soomaaliya hesho awood ciidan iyo in laga adkaado waxa loogu yeero argagaxisada.

Soomaaliya iyo Eritrea waxaa saaray cunaqabateyn hubka ah tan iyo 2009-kii, labada dal waxaa ay muhiim u arkaan in la joogo xilligii laga qaadaa, iyada oo laga jawaabayo dabeesha nabadeed ee geeska Afrika.

Ma jirto dalal waaweyn, oo ku jira golaha ammaanka ama xataa kuwa guud qaramada midoobey oo si gaar ah ugu xamaasadeysan in Soomaaliya iyo Eritrea laga qaado cunaqabateynta hubka, labada dal ayaa laga rabaa inay dalabkooda suuq-geeyaan, una muujiyaan dunida in hubka ay heli-doonaan aanu geli-doonin gacan 3aad, taas oo caalamka  ka cabsi qabo.

Goobjoog News