U bood dhigaalka

EU Oo Baaq u Dirtey Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa hadal kasoo saarey doorashadii guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa ee dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay ururkasi ayaa lagu ammaanay dedaalka ay Soomaaliya ka sameysay dhanka doorashooyinka iyo in xildhibaannada golaha shacabka ay doortaan hoggaankooda.

Waxaa loogu baaqay hoggaanka cusub ee golaha shacabka iney ka shaqeeyaan dejinta siyaasad huwan kala dambeyn.

Sidoo kale xildhibaannada cusub ayuu ururuka Midowga Yurub ugu baaqey iney ka qeyb qaataan nabadeynta iyo xisilinta geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Xubnaha ururka Midowga Yurub waxay soo dhoweynayaan doorshada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaan rajo ka qabnaa in diiradda saari doonan ka hortagga caqabadaha cusub ee soo wajihi kara.

10 iyo 11-kii bishan January, waxay xildhibaannada golaha shacabka ay doorteen guddoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen.

Goobjoog News