U bood dhigaalka

Faadumo Taxaddar oo lasii daayey, sheegtayna in jir dil loogeystay(dhageyso wareysi)

Sheeko:War

Booliska magaalada Garoowe ee mamul goboleedka Puntland  ayaa maanta sii daayey, Faadumo Yuusuf Siciid ( Faadumo Taxaddar) ka dib saacado ay ku jirtay gacanta ciidanka.

Faadumo Yuusuf, oo u warantay Goobjoog FM ayaa sheegtay in ciidamadu ay waxyeello u geysteen  markii ay hoteelka kala baxeen xalay saqdii dhexe, iyadoo sheegtay in jir dil iyo arga-gixin loogeystay intii ay kujirtay gacanta ciidanka booliska Puntlanad.

“Ma garan karo sababta ka dambeysas xarrigeyga, sababtoo ah waxba la’iima sheegin. Magaranaayo waxey qoonsadeeen”. Ayey tiri Faadumo Taxaddar.

Ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ iyo kan kale ee ay ku midaysan yihiin wariyeyaasha ka hawl-gala Puntland ee MAP oo horay u cambaareeyey xarigga gabadhan wariyaha ah ayaa tilmaamay in wali uu taagan yahay meel ka dhaca sharafka iyo xorriyadda Faadumo, maaddaama aan la caddayn sababta xarigga, soo deynta, jir dil iyo arga-gixinta lagula kacay.

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xarigga wariyaha oo xalay booliska maamulku kala baxay hotel ay ka degganayd magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ka dhageyso wareysiga Faadumo