U bood dhigaalka

Faahfaahin: Xaaladda Caafimaad Ee Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Baraawe

Sheeko:Dalka

Aadan Cumar  oo ah Guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlay Goobjoog News ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay qarax Miino oo ka dhacay mid ka mid ah garoomada lagu ciyaaro ku badda Cagta ee ku yaallo gudaha Baraawe.

Guddoomiye Aadan Cumar ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miinada laga hago rumuudka laguna aasay garoonka dhexdiisa, waxaa uu intaas ku daray in ay ku dhinteen 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof oo kale.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in meesha uu qaraxa ka dhacay in aysan joogin wax ciidan ah iyo mas’uuliyiin dowladeedba intaba.

Dadka dhaawaca ah ayuu sheegay in hadda xaaladdooda caafimaad lagu baxnaaninayo xarun caafimaad oo AMISOM ay ku leedahay gudaha degmada Baraawe.

“ Garoon ay banooni ku ciyaarayeen dhallinyaro ayaa loogu duugay Miinada laga hago rumuudka, dad shacab ah ayaa ku dhintay qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen dadka dhintay waxaa ay gaarayaan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, dadka dhaawaca ah waxaa lagu baxnaaninayaa xaaladdoooda caafimaad xarunta AMISOM ee ku taallo Baraawe”.

Goobjoog News