U bood dhigaalka

Faah Faahin: 2 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Maleeshiyaad kala taageerayey maamullada Khaatumo iyo sidoo kale Somaliland ayaa la sheegay iney ku dagaallameen degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan, illaa haddana meello kamid ah degmada Rasaas laga maqlayo.

Laba oga waxa ay isku hayaan Labadan dhinac, hase ahaatee maalmahan dambe Somaliland ayaa waddey qorshe ay ku dooneyso in Buuhoodle dadka jooga uga qeybgalaan doorashooyinka maamulkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News