U bood dhigaalka

Faah Faahin: Afar Qof Oo Lagu Dilay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah degmadaasi lagu dilay Afar qof oo shacab ah.

Sidey sheegeen dad ku sugan deegaanka Dhiin-waris oo ku dhow Dhuusamareeb, dadkan ayaa ahaa kuwo ka shaqeeya goob shinnida lagu hayo, waxaana dilay rag hubeysan.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka dadkan, waxaana meydkooda loo qaaday dhanka degmada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug kama aanu hadal falkan ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb, waxayna arrintan tahay mid aad loo hadalhayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News