U bood dhigaalka

Faah Faahin: Afar Qof Oo Lagu Diley Nugaal

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Afar qof oo shacab ah, kuwaasi oo lagu diley gobolka Nugaal, gaar ahaan deegaan ku dhow xadka uu gobolkaasi la leeyahay Sool.

Dilka dadkaan shacabka ah ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil, waxaana wararku ay sheegayaan iney fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Beelaha aanada qabiil ka dhaxso ayaa la sheegayaa iney kasoo kala jeedaa Puntland iyo sidoo kale Soomaali Galbeed.

Waxgaradka Labada dhinac ayaa wada sidii ay ku damin lahaayeen xiisadahan iyo shacabka la iska leynayo.

Marar badan deegaannada Howtka ah ee Sool iyo Nugaal waxaa ka dhacay dilala sidan oo kale ah.

Goobjoog News