U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ahlu-sunna Oo La Wareegtay Degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka mid ah Ahlu-sunna.

Dagaal la’aan ayeey ciidankaan ku qabsadeen degmadaasi, ka dib markii la sheegay in ay isaga baxeen ciidankii kale ee halkaasi ku sugnaa.

Xasan Gaboobe Warsame oo ka mid ah saraakiisha Ahlu-sunna ayaa sheegay in ciidamadooda ay amniga degmadaasi sugayaan, islamarkaana wada hadal ay la leeyihiin waxgaradka degmadaasi.

“Anaga waajibka na saaran waa in la xasiliyo dowladda, waa in shacabka nabad ku noolaadaan, meesha marka aan tageynay ciidan badan maba sii joogin, kuwo maleeshiyaad ah oo dharkii dowladda xiran baa jiray, iyaguna horteen ayeey sii carareen” ayuu yiri Gaboobe.

Guud ahaan xaaladda degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ah mid degan, waxaana maalmihii ugu dambeeyay degmadaasi ka jiray xiisad u dhaxeysa Ahlu-sunna Waljameeca iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News