U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ahlu-sunna Oo Xabsiga Dhigtay Shan Wariye

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa degmada Dhuusamareeb lagu soo waramayaa in ay ku xireen degmadaasi wariyayaal ka howlgala qaar ka mid ah warbaahinta dalka.

Wariyayaashaan oo tiradoodu gaarysa 5, ayaa la sheegay in siyaaba kala duwan looga soo kala qabtay guryahooda, xarumahooda shaqo iyo goobaha la’isugu yimaado.

Wariyayaasha xiran ayaa kala ah:-

  • Maxamed Deeq Cabid
  • Bashiir Sanka
  • Cabdijamaal Macallin Axmed
  • Cabdullaahi Warsame Rooble
  • Leylo Nuur Cilmo

Saraakiil u hadashay Ahlu-sunna waxa ay sheegeen in wariyayaashaan lagu haysto warar ay baahiyeen, balse wararkaasi si cad uma aanay sheegin waxa ay yihiin.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale gobalka Galgaduud waxaa xabsi loogu dhigay wariyayaal ku sugan gobalkaasi, waxaana sidoo kale Ahlu-sunna ay horay Albaabada isugu laabtay Xarumo Idaacadeed oo Madax banaan.

Goobjoog News