U bood dhigaalka

Faah faahin: Ajaaniib Ka Tirsaneyd Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Dhoobley

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ku qabteen Saddex nin ajaaniib ah, kuwaasi oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

Raggan ayaa la sheegay in Labo kamid ah yihiin Tanzania halka midka kalena u dhashay Kenya.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee Dhoobley, Heybe Axmed C/laahi ayaa Goobjoog News u sheegay in raggan la qabtay xilli ay damacsanaayeen iney dhanka Kenya u tallaabaan.

Raggan ayaa markii la qabanayey ku dhowaa xadka aan rasmiga ahayn ee Kenya waliba dhanka Tuulada Af Barwaaqo oo ku dhow Dhoobley.

Taliye Heybe ayaa sheegay in hadda ay raggan ku wadaan baaritaan dheeraad ah, islamarkaana u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Goobjoog News