U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ajaaniib Lagu Diley Boosaaso

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay Saddex ruux oo u dhalatay Itoobiya, kana soo jeedda qomiyadda Oromada.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay weeraraan goob ay dadkaan ku sugnaayeen, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Labo kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in goobtaasi ay isaga baxsadeen raggii weerarkaasi ka dambeeyey.

Dadkan la weeraray ee Oromada ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi socoto ku ahaayeen oo ay doonayeen iney kasii tahriibaan.

Ciidamada ammaanka Puntland oo gaaray halka weerarkaan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgal illaa iyo hadda natiijadiisa aan la shaacin.

Dilalka loo geysanayo dadka Oromada ah ayaa kusoo badanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Goobjoog News