U bood dhigaalka

Faah Faahin: Al-shabaab Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dad shacab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Weerarka dagaalkan waxaa lahaa shacabkan isku tagay, kuwaasi oo loo yaqaan Macawiisley, waxaana ay la wareegeen saldhigyo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay.

Horjoogayaal u hadlay Macawisleyda ayaa sheegay iney siidaayeen ku dhowaad 30 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay xireen Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay bixin dagaalkan, iyadoo meelihii lagu dagaallamay deggan tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News