U bood dhigaalka

Faah Faahin: Askari Lagu Dilay Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Arjantiin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliiska ee DFS.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in askariga la dilay uu saarnaa Mooto Bajaaj, islamarkaana dilka kadib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka bilaabay howlgal aan weli la shaacin cidda lagu soo qabtay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid soo hagaagayey, wallow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhaceen falal amniga wax u dhimaya.

Goobjoog News