U bood dhigaalka

Faah Faahin: Askari Lagu Diley Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeysan oo habeenkii xalay ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Ragga watey bistooladaha ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen Labo askari oo ku sugnaa xaafadda Buur-dheere oo ka tirsan degmada Waaberi, waxaana halkaasi sidoo kale ku dhaawacmay askariga kale .

Dilka iyo dhaawac loo geystay askartan kadib waxaa halkaasi ka baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaarey ayaa bilaabay iney sameeyaan howlgallo aan dad lagu soo qaban.

Maamulka degmada Waaberi iyo taliska Booliiska ee degmadaasi weli wax faah faahin ah kama aaney bixin arrintaasi.

Goobjoog News