U bood dhigaalka

Faah Faahin: Bam Lagu Weeraray Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Bam gacmeed ayaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga uu degmada Baardheere ka deggan yahay guddoomiyaha maxkamadda degmada degmadaasi, kaa oo khasaare geystay.

Labo dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bamkan ay ku tuureen guriga guddoomiyaha, waxaana la xaqiijiyey in halkaasi Hal qof dhaawac fudud kasoo gaaray.

Waxaa goobta ka baxsadey raggii Bamkaan tuuray, iyadoo ciidamada ammaanka xalay illaa saakay degmadaasi ka wadaan howlgallo.

Guddoomiye Sheekh Cabdi ayaa marka Bamka lagu weeraraye la sheegay inuu doonayey inuu galo hoygiisa, balse Bamka uu u gudbay gudaha guriga.

Xaaladda guud ee degmada Baardheere saakay waa mid deggan, waxaana qaraxyada sidan oo kale ah ay noqdeen kuwo kusoo noq noqda degmadaasi.

Goobjoog News