U bood dhigaalka

Faah Faahin: Beello Ku Dagaallamay Deegaanka Gadoon Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, kaasi oo shalay ka dhacay deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud.

Cabdi Axmed Yuusuf, guddoomiyaha deegaankaasi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in halkaasi ay ku dhinteen Labo qof iyadoo Seddex kale ay dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha sidoo kale in dagaalkaasi uu sababay barakaca shacab badan oo si nabad ah ku deganaa deegaanka Gadoon.

“Dagaalkaan wuu xooganaa, ogaanteen Labo qof ayaa dhimatay, annaga waxaan ogeyn waan waan socotey, balse dagaalkaan lama filaan ayuu ku bilowday” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in weli aanay jirin cid kala dhexgashay maleeshiyaadkii shalay ku dagaallamay Gadoon, xaaladduna weli ay tahay mid kacsan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud, wuxuu ugu baaqay waxgaradka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galgaduud iney soo kala dhexgalaan dhinacyadan dagaallamay.

Goobjoog News