U bood dhigaalka

Faah Faahin: Booliiskii Gadoodka Ka Sameeyey B/weyne Oo Baaq u Direy Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ahayd ee maanta xirey qaar kamid ah waddooyinka magaalada Baladweyne ayaa faah faahin waxay ka bixiyeen sababta ay u gadoodeen, waxayna baaq u direen madaxweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah askartan oo u waramay Goobjoog News, waxay sheegeen in ay ku gadoodeen guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay sheegeen inuu balamo badan uga baxay.

Waxay tilmaameen in muddo 4 sano ah aysan wax xuquuq ah helin, ayna middaasi u dheer tahay balan ka bax uu ku sameeyey guddoomiye Jeyte.

“Annaga Afar Sano ma helin wax xuquuq ah, waxaan sugeynay rajo uu na geliyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, wuxuu inoo sheegay inaan heli doonnop xuquuqdeenna, balse ma aan helin, waxaan isugu soo baxnay in dowladda dhexe na ogaato” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah askartii gadoodka ka sameeysay B/weyne oo Goobjoog News la hadlay.

Askartan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu il gaar ah ku eego, islamarkaana uu u bilaabo siinta wixii ay xuquuq leeyihiin oo aysan maamul gaar ah ku eegan.

Goobjoog News