U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada AMISOM Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Degmada Qoryooley, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada AMISOM oo gelinkii dambe ee shalay banaanka uga baxay degmada Qoryooley ayaa la sheegay in ay xalay dib ugu soo laabteen degmadaasi, waxaana ay dagaal la galeen ciidanka Al-shababa oo halkaasi tagey ka bixitaankii AMISOM kadib.

Dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana la isku adeegsaday hub culus inkastoo weli khasaaraha guud ee dagaalkaasi inta uu la egyahay aan la shaacin.

Dadka ku dhaqan degmada Qoryooley ayaa inoo sheegay in ciidamada AMISOM ay dib ula wareegeen degmada Qoryooley dagaal saacado badan qaatay kadib.

Xaaladda saakay degmada Qoryooley weli cago badan kuma taagna, waxayna dadka ka baqayaan dagaallo mar kale dhaca.

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Al-shabaab wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News