U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Booliiska Iyo Koox Hubeysan Oo Ku Dagaallamay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Booliiska DFS iyo koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dagaallameen xaafadda Gubta, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu yimid kadib markii ay ciidamada ka warheleen kooxdan hubeysan oo dhac u geysanayey dad rayid ah oo ku sugan Dayniile, waxaana xogta kooxdan usoo gudbiyey ciidamada dad shacab ah.

Markii ay ciidamada gaareen halkaasi ayaa la sheegay in rasaas ay kala kulmeen kooxdii dadka dhacaysay, iyaguna ay iska caabiyeen.

Hal qof oo rayid ah ayaa rasaastaasi ku dhintey, mid kalena waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Taliska ciidanka Booliiska degmada Dayniile iyo maamulka degmadaasi ma jirto weli wax faah faahin ah oo ay dagaalkaasi ka bixiyeen.

Goobjoog News