U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ahlu-sunna Oo Ku Dagaallamay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanka Laandheer oo ku dhaw degmada Xananbuure ee gobalka Galgaduud.

Rasaasta ayaa daqiiqado badan halkaasi ka socotay, waxaana la sheegayaa in qof deegaanka ah uu dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawacna uu jiro balse aan tirada la hayn.

Dagaalkaan ayaa ku bilawday sida la sheegay markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda oo deegaankaasi fariisin ku lahaa iyo kuwa Ahlu-sunna oo halkaasi marayay.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud Cabdiweli Tooxow ayaa soo sheegaya in deegaankii lagu dagaallamay weli xiisad ay ka taagan tahay, sidoo kalena Labada dhinac ay kala wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Dadka ku dhaqan deegaanada gobalka Galgaduud ayaa la sheegayaa inay ka baqayaan dagaallo dib uga bilawda gobalka, waxaana dadka cabsida ku beeray dhaqdhaqaaqyada ay kala wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News